Hoggaanka maamulka SSC KHATUMO ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixiyey maxaabiis katirsan ciidankii Somaliland ee…

Hoggaanka maamulka SSC KHATUMO ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixiyey maxaabiis katirsan ciidankii Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Gooja-cadde oo lagu heshiiyey in la siidaayo.
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Maamulka SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa shaaciyey in dhammaan maxaabiistaani aysan ahayn kuwa heshiis nabadeed ku baxaya haseyeeshee lagu sii dayn doono duruufo bini’aadannimo sida uu hadalka u dhigay.
“Maxaabiista la sii daynayo waxaa lagu sii daynayaa arrimo bini’aadannimo, kuwaasi oo dhammaan qaba duruufo gaar ah”, Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Maamulka SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi Xasan Xijaar.