Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay duqaymaha Iran.

Hoggaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa wada hadalo dheer kayeeshay xaaladda Mandiqadooda Barriga Dhexe, si ay…

16 March, 2026

Hoggaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa wada hadalo dheer kayeeshay xaaladda Mandiqadooda Barriga Dhexe, si ay go’aan uga gaaraan ka hortagga duqaymaha kaga imaanaya Iran.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabi Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha United Arab Emirates Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa xalay wada-hadal dheer ku yeeshay telefoonka, iyagoo ka arrinsanayay xaaladda amni ee sii xumaanaysa ee dalalka Khaliijka.

Warbaahinta ku hadasha afka boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay weerarada Iran ku tilmaameen “koror khatar ah” oo si toos ah u halis gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

Hoggaamiyayaasha dalalkaan horay khilaafku uga dhexeeyey ayaa muujiyey in dalalka GCC ay sii wadi doonaan dhammaan dadaallada ay ku difaacayaan dhulkooda, isla markaana ay adeegsan doonaan awood kasta oo ay hayaan si loo ilaaliyo amniga gobolka iyo xasilloonidiisa.

UAE iyo KSA ayaa si weyn u kala taagnaa mudooyinkii lasoo dhaafay, hayeeshee isbedelada hadda socda ayaa dhinacyada mideynaya waqtigan, Golaha Khaliijka ayaa yeelanaya kulan fogaan arag ah oo ay uga hadlayaan xaaladan