Sucuudiga iyo Pakistan oo gaaray Heshiis Difaaca

18 September, 2025

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif – ayaa lagu soo dhaweeyay balaaran loogu sameeyey Boqortooyada Sucuudiga, lana kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman Arbacadii si uu u saxiixo “heshiiska difaaca labada dhinac” (SMDA).

Xafladda lagu saxiixay heshiiska oo ka dhacday Aqalka Boqortooyada ee Al-Yamamah Palace ee magaalada Riyadh ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka socday Sacuudiga oo ay wehliyaan wakiillo ka socday Pakistan oo ah dalka keliya ee awoodda Nukliyeerka ah ee dunida Muslimka.

Heshiisku waxa uu kusoo beegmay xilli xasaasi ah.

Siyaasadda gobolka waxaa kor u qaaday gardarrada Israa’iil oo duulaan ku qaaday dalal badan oo Carab ah.

Laakiin waxa ay sidoo kale kusoo beegmaysaa iyada oo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan, kadib dagaal gaaban laakiin aad u xooggan bishii May, kaas oo ay midba midka kale duqeeyeen saldhigyo ciidan muddo afar maalmood ah, dalalkaasi oo heysta hubka Nukliyeerka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in heshiiska lala galay Sacuudi Carabiya uu ka tarjumayo “ballanqaadka difaaca la wadaago” ee labada waddan ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarinta nabadda gobolka.

“Heshiisku wuxuu dhigayaa in gardaro kasta oo ka dhan ah labada waddan loo arki doono gardaro loo geystay labadaba,” ayay tiri wasaaraddu.

Sacuudi Carabiya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday Pakistan madaxbannaanideeda sanadkii 1947.

1951, labada waddan waxay saxiixeen “Heshiiska Saaxiibtinimada,” oo dhidibada u aasaya tobanaan sano oo iskaashi istiraatiiji ah, siyaasadeed, militari iyo dhaqaale.

Sanadihii la soo dhaafay, ciidamada qalabka sida ee Pakistan waxay tababaro kala duwan u fidiyeen ciidamada Sacuudiga.

Dalka Sacuudiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay wadahadalo kula jiray Mareykanka oo ay xulafo yihiin sidii ay u heli lahaayeen awooda Nukliyeerka, dadaaladaasi oo aan weli miro dhalin, waxayna hada u muuqataa in Sacuudiga uu xooga saarayo iskaashiga militari ee uu la leeyahay Pakistaan.