Sucuudiga oo ka faa’iidaysanaya hoos u dhaca xiriirka Somalia & Imaradka.

11 January, 2026

Boqortooyada Sucuudiga oo ka faa’iidaysanaysa hoos u dhaca xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka…

Boqortooyada Sucuudiga oo ka faa’iidaysanaysa hoos u dhaca xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay qorshayaal uu saamayn ugu yeelanayo adeegyada bulshada ee Soomaalida.

Qorshahaan waxaa qayb ka ah in diyaaradda Saudi Air ay bilaabayso duulimaadyo toos ah oo ay ku imanayso caasimadda Muqdisho, sida ay xaqiijisey Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Duulimaadkaan ayaa la sheegay inuu si weyn uga qayb qaadan doono fududaynta socdaallada dhulka barakaysan, iyada oo la filayo in ay hoos u dhacaan qiimayaasha Xajka & Cumrada muwaadiniinta Soomaaliyeed ku aadi jireen.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowladda federalka ah ee Somalia hoos u dhigtay xiriirka ay la lee dahay dowladda Imaaraadka Carabta siweynna u xoojisay wadashaqaynta kala dhexaysa Sucuudi Careebiya.