Sucuudiga oo ka qaybqaatay soo celinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka Yemen.

Xarunta Gargaarka iyo Gurmadka Boqor Salmaan ee Sacuudiga (KSrelief) ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay 154…

30 August, 2026

Xarunta Gargaarka iyo Gurmadka Boqor Salmaan ee Sacuudiga (KSrelief) ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay 154 qaxooti Soomaali ah oo muddo ku noolaa dalka Yemen, kadib hawlgal dib loogu soo celinayo dadkaasi oo ka soo bilowday garoonka diyaaradaha Cadan.

Hawlgalka waxaa KSrelief kala kaashatay Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR), ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay barnaamijyo bani’aadantinimo iyo ilaalin ah oo lagu taageerayo qaxootiga iyo dadka nugul ee ay saameeyeen xaaladaha adag ee Yemen.

Wakiilka UNHCR ee Yemen, Armen Yedgaryan, ayaa uga mahadceliyay KSrelief dadaallada ay ku bixisay fududeynta dib-u-soo-celinta iyo diyaarinta habraacyada lagama maarmaanka u ah in qaxootigu si ikhtiyaari ah ugu laabtaan Soomaaliya.

Dib-u-soo-celinta 154-ka qof ayaa qeyb ka ah dadaallo bani’aadantinimo oo ka socda Yemen, kuwaas oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka nugul iyo bulshooyinka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo.