Sudan: 400,000 barakacayaal ah oo lagu qasbay inay ka qaxaan xerada Zamzam ee Darfur

2 days ago

Qaramada Midoobay ayaa ku warantay in dagaalka ka socda Daarfuur uu ku qasbay boqolaal kun oo qof in ay ka qaxaan xerada ugu weyn ee gobolkaasi.

Ku dhawaad ​​400,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan xerada ugu weyn ee barakaca ah ee ku taal gobolka Darfur ee dalka Sudan ka dib markii ay la wareegeen ciidamada gurmadka degdega ah ee RSF, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

“In u dhaxaysa 60,000 iyo 80,000 qoys ayaa ka barakacay xerada Zamzam [dadka gudaha ku barokacay] sababtoo ah ammaan-darro xooggan,” ayay IOM ku tiri hadal ay soo saartay.

Weerarkii ay RSF ku qaadday xeradaas ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof ama dhaawac ah, sida ay sheegeen dowladda iyo kooxaha gargaarka.

Kooxdan hubaysan ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan gobolka galbeedka ee Darfur, xilli ay isku dayayaan inay qabsadaan caasimadda gobolka ugu dambeeya ee el-Fasher, oo aan wali gacantooda ku jirin.

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii sheegtay in in ka badan 300 oo qof oo ay ku jiraan 10 ka mid ah shaqaalaha samafalka lagu dilay dagaal Jimcihii iyo Sabtidii ka dhacay agagaarka xerooyinka Zamzam iyo Abu Shouk ee ku dhow el-Fashir.