Qaar badan ayaa lagu dilay markii ciidamada RSF ay weerar ku qaadeen tuulooyin ka tirsan gobolka Niil Cad. Gobolkaas waxaa maamula qayb ciidamada dowlada.

Xoogaga Mucaaradka ee Rapid Support Forces (RSF) ayaa weerar ku qaaday tuulooyinka Al-Kadaris iyo Al-Khelwat ee gobolka Niil Cad, oo 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda ayaa sheegtay in guud ahaan la dilay 433 qof oo ay ku jiraan carruur.
Shabakadda qareenada ayaa sheegtay in kooxaha hubaysan ay rasaas ku fureen dadka tuulada xilli ay doonayeen in ay ka gudbaan wabiga Niil-ka si ay uga baxsadaan, sidaas darteed laga yaabo in qaar kamid ah dadka rayidka ah ay ku qaraqmeen wabiga.
Kooxda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in boqollaal qof ay ku dhaawacmeen ama la la’yahay, boqollaalna waxaa lagu fuliyay “dil, afduub iyo bililiqo.”
Qaramada Midoobay ayaa heshay “warbixin naxdin leh oo sheegaya in daraasiin haween ah la kufsaday boqolaal qoysna lagu qasbay inay cararaan,” ayuu yiri afhayeen u hadlay xoghayaha guud Antonio Guterres.