Ciidamada RSF ayaa weerar ku qaaday masaajid ku yaal xero barakacayaal oo ku taal Darfur.

QM ayaa ka digtay in dhimashada dadka rayidka ah ay sii kordheyso iyadoo dagaalka sokeeye uu sii daba dheeraaday.
Tobaneeyo qof ayaa la dilay ka ib markii ciidamada (RSF) ay duqeeyeen masaajid ku yaala xerada barakacayaasha ee Darfur, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka.
Koox maxalli ah oo iskaa wax u qabso ah oo gacan ka geysta isku-dubbaridka gargaarka ee kaamka Abu Shouk ee magaalada El-Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, ayaa sheegay in 75 qof ay ku dhinteen weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan, waxay sheegtay in ugu yaraan 43 qof oo cibaadaysanayay lagu dilay “xasuuqan argagaxa leh.”
Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada RSF-ta ay doonayaan inay ciidamada Suudaan ay ka saaraan deegaanka El-Fasher.



