Milatariga ayaa sheegay in saldhig iyo bakhaar ay duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan, ayaa haddana weerarkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay ciidamada RSF-ta ku qaadaan xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowladda.
Afhayeen u hadlay ciidamada Nabil Abdullah ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ay duqeynta la beegsadeen saldhiga cisman Digna Air Base, bakhaar badeecooyin ah iyo qaar kamid ah xarumaha rayidka ee ku yaala magaalada Port Sudan.
Afhayeenka ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare dhimasho ah oo ka dhashay balse uu jiro khasaare kooban.
Dhanka kale baraha bulshada ayaa si weyn loo faafiyey muuqaal aan la xaqiijin oo muujinaya qarax weyn.
Ciidanka dowlada ayaa gacanta ku haya bartamaha, bariga iyo waqooyiga, halka RSF ay si xooggan u joogaan gobolka galbeedka ee Darfur iyo qaybo kamid ah koonfurta.
Marxaladihii ugu horeeyay ee dagaalka, dowladdu waxay ka soo guurtay Khartuum waxayna u guurtay Port Sudan oo ka dhigatay caasimad KMG ah.
Port Sudan ayaa illaa intuu dagaalka billowday ka badbaadiyay rabshadaha labadii sano ee iskahorimaadka socday, taasoo muujineysa in RSF ay ku guuleysatay inay ballaariso baaxadda iyo weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee goobaha ay ciidamadu ku sugan yihiin tan iyo markii lagala wareegay gacan ku haynta goobo kale oo ay ku jirto inta badan caasimadda Khartuum.



