Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in ciidanka milatariga dalkaasi ay dagaal kula jiraan kooxo calooshood-u-shaqeystayaal ah oo…

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in ciidanka milatariga dalkaasi ay dagaal kula jiraan kooxo calooshood-u-shaqeystayaal ah oo ay sheegtay in ay kasoo jeedaan dalal kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan Koonfurta Suudaan, Niger, Jaad, Itoobiya, Kolombiya iyo Waqooyiga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay Puntland.
Khudbad uu Khartuum ka jeediyey Kaaliyaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Suudaan, Sarreeye Guuto Yaasir Al-Cadaa (Yasir Al-Atta), xilli uu la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada milatariga Suudaan, ayuu ku sheegay in dalkiisa ay ka dagaalamayaan quwado shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.
Al-Cadaa ayaa sheegay in dagaalka Suudaan uusan ku wajahnayn qabiillo ama bulshooyin ku nool deegaanno gaar ah, isagoo xusay in gobollada Daarfuur iyo Kordofaan ay yihiin dhulal uu qiimeeyo, dhammaan qabiilooyinka deegaannadaasna ay muhiim u yihiin bulshada Suudaan, wuxuuna xusay in ciidanku aanu doonayn aargoosi ka dhan ah dadka deegaanka, balse uu doonayo inuu la dagaallamo dagaalyahannada shisheeye ee uu ku eedeeyey inay ku biireen xoogagga RSF.
Dhanka kale, sarkaalka ayaa Imaaraadka Carabta iyo sirdoonka Israa’iil ee Mossad ku eedeeyey inay ku lug leeyihiin qorshayaal ka dhan ah Suudaan, isagoo sheegay in ciidanka dalku dagaalka ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen waxa uu ku tilmaamay shirqoollo shisheeye.





