RSF-ta milatariga ah ayaa xoojisay weerarrada ay ku hayaan El-Fasher, oo ah magaaladii ugu dambeysay ee Daarfuur ay weli gacanta ku hayaan ciidamada.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn iyo madaafiicda ayaa lagu weeraray xero barakac oo ku taalla deegaanka El-Fasher ee galbeedka Suudaan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 60 qof Sabtidii, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka.
Weerarka ayaa ahaa mid kamid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay Ciidamada Taageerada degdega ah (RSF) bilaabeen inay magaalada go’doomiyaan 18 bilood kahor.
Guddiga iska caabinta Ceel-Fasher ayaa sheegay in RSF ay ku garaacday xarunta barakaca ee Daar al-Arqam ee dhulka jaamacadda laba jeer diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo sideed jeer madaafiic.
El-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, ayaa ah magaaladii ugu dambeysay ee ugu weyn gobolka oo ay wali gacanta ku hayaan ciidamada dowlada.
RSF, oo dagaalka kula jirtay militariga tan iyo Abriil 2023, ayaa dooneysa inay si buuxda ula wareegto gobolka Darfur.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin qofna ay barakiciyeen, halka ku dhawaad 25 milyan oo Suudaani ahna ay soo food saartay macluul daran.



