Xubno katirsan golaha wakiilada, Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda amniga, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, isimo,…

Xubno katirsan golaha wakiilada, Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda amniga, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, isimo, cuqaal, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay kulan looga arrinsanayey ammaanka magaalada Garoowe.
Kulaankaan amni oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa lagu soo bandhigay Waxqabadkii Amniga ee Dowladda Hoose iyo Qorshayaasha Horumarineed ee dhinaca amniga, kaalinta bulshada iyo caqabadaha ku gadaaman sugidda amniga caasimadda.

Duqa Caasimadda Garoowe Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Geedi ayaa sheegay in xaalka amni ee magaalada Garoowe uu wanaagsan yahay ayna jiraan arrimo u baahan wadajir, iskuduubnimo iyo awoodsiinta ciidamada.
Ka qaybgalayaasha kulanka oo bogaadiyey hawlaha amniga ee caasimadda ayaa dalbaday in si dhab ah laysugula xisaabtamo amniga isla markaana aan gorgortan laga gelin qodobada lagama maarmaanka u ah.




