Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah aas-aasayaashii Puntland, isla markaana ka tirsan hoggaanka dhaqanka…

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah aas-aasayaashii Puntland, isla markaana ka tirsan hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta xubnood ka kooban, ayaa soo saaray qoraal uu si adag uga hadlay jiritaanka iyo midnimada Puntland.
Suldaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin cid kasta oo isku dayda in ay wax u dhinto Puntland, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiritaanka Puntland uu yahay arrin aan gorgortan geli karin.
“Ma jiro qof aan ka oggolaanayno in Puntland la dumo. Cidna kama aqbalayno arrintaasi, waana lama taabtaan. Waxaan diyaar u ahay inaan qiimo kasta ku bixiyo jiritaankeeda,” ayuu yiri Suldaan Siciid Maxamed Garaase, sida ku cad qoraalka uu soo saaray.




