Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa ka hadlay halka ay marinayaan…

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa ka hadlay halka ay marinayaan dedaalada nabadaynta beelo walaala ah oo dirir ku dhexmartay deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Nugaal.
Suldaan Garaase oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in nabadaynta beelihii ku dagaalamay deegaamada Saax-maygaag, Sanga-jebiye iyo dhul-daaqsimeedka hoosyimaada ay meel wanaagsan marayso.
“Haddii la wada magacaabo dadkaan dhammaan waa isku saabsan yihiin, wixii xumaaday shaydaan ayey u ahaatay, caano qubtay dabadood ayaa la qabtaa horay ayaa loo galay arrintaa waxbadan ayaana ku qaboobey inta dhimmana waa la dhammaystirayaa”, Ayuu yiri Suldaan Siciid Maxamed Garaase.
Suldaan Siciid ayaa intaasi ku daray in wixii ka dambeeyey 2023 la dhammeeyey kiisas 4 ka badan,”Mardhaw waa la socotaan saddex nin oo gaar gaar u dhintay ayaa laga heshiiyey, nin ka horreeyey oo si qaabdaran loo dileyna waanu keenay oo fartaanu ka saarnay.”



