Suldaan Garaase oo taageero buuxda siiyey maamulka Waqooyi Bari.

15 January, 2026

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa maanta gaarey wafuud kala duwan oo ka…

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa maanta gaarey wafuud kala duwan oo ka qaybgeli doonta caleema-saarka Madaxweynaha maamulkaasi Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye).

Wafuudda gaarey Laascaanood gaarey waxaa kamid ah Suldaan Siciid Maxamed Garaase, wuxuuna goobta soo dhaweynta ka sheegay in maamulkaasi yahay mid u soo kordhay umadda Soomaalieed.

“Waxaan Alle uga mahadcelinaynaa dowladnimadaan soo korortee ee cagadhigatay, ciddii halkaan wax ka qabatay waa waajib ammaan gaar ahna maleh, Garoowena waa Laascaanood”, Ayuu yiri Suldaan Garaase.

Dhanka kale, Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu guulaystay isla markaana aan loo joojin doonin cidwalba oo ka hortimaadda,”Waa guulaystay maamulkaani, waa hana qaaday Alle ayaa u hiiliyey ciddii hareermarta iyadaa og wixii ay ka hesho.”