Suldaan Siciid Cabdisalaan oo dalbaday in la caddeeye sababta loo diley Caaqil Cumar Cabdullaahi.

20 October, 2025

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay…

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay duqayntii uu Maraykanku ku diley Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo kamid ahaa cuqaasha gobolka Sanaag.

Suldaanka ayaa sheegay in caaqilku uusan wax xiriir ah lalahayn argagixiso uusanna wax gal-dacwadeed ah ka oolin guud ahaan Puntland, isagoo xusay in xaq-darro lagu diley aysanna ku qanacsanayn sheegashada Maraykanka.

“Caaqil Cumar wuxuu ahaa gacanteyda midig, Dowladda Puntland oo aan ka tirsanahay madaxweyneheedu wuxuu noo caddeeyey in aanay wax denbi ah ka tirsanayn; nama qancin eedeynta la soo saaray, si arxan-daran ayaa loo diley; waxa aan dalbanaynaa in naloo caddeeyo waxa loo beegsaday”, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka hadlay dilka Maraykanka u gaystay nabadoon Cumar.