Suldaan Siciid Cabdisalaan oo gaarey Magaalada Ceerigaabo.

21 October, 2025

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo wafdi dhaqameed uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaarey Magaalada Ceerigaabo ee gobolka…

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo wafdi dhaqameed uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaarey Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, si uu qayb uga noqdo shirka nabadda beelaha gobalka Sanaag.

Wafdiga Sudlaan Siciid waxaa duleedka Ceerigaabo ku soo dhaweeyay guddida Somaliland u qaabilsan qabanqaabada gogosha nabadda magaalada Ceerigaabo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ku wajahan Magaalada Ceerigaabo, halkaas oo lagu wado in uu maanta ka furo shirka nabadda beelaha gobalka Sanaag.

DAAWO