Suldaan Siciid Cabdisalaan oo war ka soo saaray dagaalka Boorama.

7 December, 2025

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamad Puntland ayaa baaq nabadeed ka diray…

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamad Puntland ayaa baaq nabadeed ka diray xiisadda ka soo cusboonaatay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Somaliland.

Bayaan ka soo baxay aqalka Suldaan Sicidii ee Magaalada Badhan ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Boorama iyo xukuumadda Somaliland in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo dhiigga daadanaya wax kastana wadahadal lagu dhammeeyo.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii ka dhacay Boorama, Waxaan eebe uga baryayaa inuu marxuumintaas janada ka waraabiyo, Waxaan sidoo kale eebe ka baryayaa in uu u booga dhayo intii dhaawac ka soo gaadhey”, Ayaa lagu yiri qoraalka Suldaanka.

Suldaan Siciid ayaa intaas ku daray,”Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee Samaroon iyo Ciise, nabad, Waxaan isimada, cuqaasha, guurtida, waayeelka iyo waxagaradka beelahaas ee nabada caanka ku ah ugu baaqayaa, inay wax kasta ku xaliyaan wada hadal, si dhiig aadane looga baaqsado Allaha weyna loogu dhowaado.”