Suldaanka Siciid Suldaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka garaad Jaamac Garaad Cali, isagoo…

Suldaanka Siciid Suldaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka garaad Jaamac Garaad Cali, isagoo caddeeyay in aysan Beesha Warsangeli qeyb ka ahayn Shirka Laascaanood, islamarkaana aysan jirin cid ku matasha.
Dhanka kalena, Suldaan Sicid Suldaan Cabdisalaam ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in dadka walaalaha ah ee Sanaag iyo Sool aysan colaad dhexdhigin oo kala dilin.
“Reer Sool waa walaalahayo waan wada tashan karnaa marka ay talo-siyaasadeed noogu yimaaddaan, DFS-na waxaan leenahay fidno hana dhexdhigin ee faraha naga-labax”, Ayuu yiri Suldaan Siciid Cabdisalaan.



