Suldaan Siciid oo gogol nabadeed Badhan u dhigay beelo diriri ku dhexmartay gobolka Sanaag.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa Magaalada Badhan ee xarunta…

7 October, 2026

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag gogol nabadeed u dhigay beelo oodwadaag ah oo diriri ku dhexmartay deegaamo katirsan gobolkaasi, isagoo tilmaamay in gogosha nabadda ay halkaasi taallo, isla markaana ay ka qayb geli doonaan isimada beelaha Daarood.

Suldaanka ayaa sheegay in isimada dhaqanka ay qaadanayaan doorka nabadeynta iyo isu keenista dhinacyada, wuxuuna ugu baaqay odayaasha dhaqanka beelaha dirirtu horay u dhexmartay inay ku soo diyaar garoobaan muddadada loo qabtay.

“Nabadeynta beelaha Sanaag waxa gogosha aan dhigney Badhan, waxaana geleya isimmada Daarood, amniga waxa ka mas’uul ah Dowladda Puntland”, Ayuu yiri Suldaan Siciid Cabdisalaan.

Suldaan Siciid ayaa hore uga qayb qaatay shirar iyo dadaallo lagu raadinayay xal u helidda khilaafaadka beelaha Sanaag bishii Abriil 2025, wuxuu ka mid ahaa isimadii ka qayb galay shirka nabadeynta beelaha ee Ceelbuuh, kaas oo socday 16 maalmood, lagana soo saaray go’aamo ay labada dhinac soo dhaweeyeen.