Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa waxa uu maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyey Isimada iyo odayaasha dhaqanka…

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa waxa uu maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyey Isimada iyo odayaasha dhaqanka ku sugan Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Sanaag.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey Midnimada shacabka, adkaynta nabadgelyada iyo sidii loo sii xoojin lahaa go’aankii isimada dhaqanka Sanaag iyo Haylaan ka qaateen shirarka ka socda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan waxa ay ugu yeereen bulshada goboladaasi inay ka shaqeeyaan nabadgelyada isla markaana meel looga soo wada jeensado cidkasta oo carqaladaynaysa ammaanka gobolka.





