Suuqa ugu weyn Garoowe oo gaadiidka laga mamnoocay.

22 March, 2025

Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa isbeddel xooggan ku samaysay hanaankii shaqo ee suuqa Inji oo…

Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa isbeddel xooggan ku samaysay hanaankii shaqo ee suuqa Inji oo ah midka ugu weyn Garoowe, xilli lagu jiro diyaar garawga Ciiddul Fidriga bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Mas’uuliyiinta dhanka ammaanka dowladda hoose ayaa HM u xaqiijiyey in la xiray dhammaan waddooyinkii gaadiidka ee soo geli jirey suuqa Inji si fursad fiican loo siiyo ganacsatada iyo macaamiisha adeeganaysa, maadaama saxmaddu aad u badan tahay.

Taliyaha Taraafikada Gobolka Nugaal Maxamed Sanweyne Cismaan, ayaa sheegay in tallaabadaani ay qayb ka qaadan doonto ammaanka caasimadda, habsami u socodka ganacsiga iyo yaraynta jaamkii gaadiidka ee suuqaan halbowlaha ah.

Suuqa Inji ayaa ah mid ka kooban qaybaha bacadlaha, carwooyinka, qaybta hilibka, qaybta qudaarta iyo ganacsiyo kale, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey cabasho ka taagnayd gaadiidka dadweynaha oo xiray waddooyinka soo gala xilliyada adeeggiisu badan yahay.