Garsoorka Suuriya ayaa Atef Najib ku soo oogay dacwado “kuwaas oo u dhigma dambiyo dagaal” iyadoo ina-adeerkii Bashar Assad lagu eedeeyay inuu abaabulay olole ka dhan ah dibadbaxyadii 2011-kii oo markii dambe isu beddelay dagaal sokeeye.

Garsoore ku sugan Dimishiq ayaa Axaddii faahfaahin ka bixiyay dacwadaha ka dhanka ah Atef Najib, oo ah Bashar Asad ina-adeerkii, horena u ahaa sarkaal sare oo amniga iyo sirdoonka, maxkamadeyntii ugu horreysay ee mas’uuliyiinta xilligii Asad.
Madaxweynihii hore Assad, walaalkiis Maher iyo dhowr sarkaal oo kale oo sare ayaa wajahaya maxkamad iyagoo maqan. Kuwaas oo u baxsaday dalka Ruushka markii dowladdii hore ee Suuriya ay dhacday bishii Diseembar 2024.
Najib, oo ahaa madaxii hore ee amniga siyaasadda ee gobolka koonfurta Suuriya ee Daraa, halkaas oo dibadbaxyo nabdoon ay ka dhaceen 2011, waa xubintii ugu sarreysay ee dowladdii hore ee wajahaya maxkamad. Maxkamadaynta Kiiskan ayaa la furay bishii hore.

Garsoore Fakhr al-Din al-Aryan ayaa Axaddii akhriyay dacwadaha, iyadoo telefishanka dawladdu uu baahiyay qayb ka mid ah kalfadhiga.
“Eedeymaha waxay la xiriiraan dhacdooyinkii ka dhacay gobolka Daraa horraantii 2011, markii dhaqdhaqaaqa nabadda [mudaharaadka] dowladii hore la beegsatay awood xad dhaaf ah,” ayuu yiri Aryan.
Axmed al-Sharaa madaxweynaha ku meel gaar ah ee Suuriya ayaa dadaal ugu jira qorshaha uu sheegay in cadaalad loogu raadinayo dadkii dhibaatada kasoo gaartay xukuumadii hore, isagoo xooga saaraya xiriirkiisa bulshada caalamka iyo inuu ka gorgortamo joojinta cunaqabataynta.
Waxaa cadaadis la kulmay bilihii la soo dhaafay, in ka badan hal sano ka dib markii uu xukunka qabtay, si uu u dedejiyo dacwadaha sharciga ah ee ka dhanka ah xubnihii hore ee nidaamkii hore – xitaa haddii qaar badan oo ka mid ah ay dhinteen ama aysan hadda ku sugnayn gudaha Suuriya.



