Xoogaga fallaagada Suuriya ayaa lagu soo warramayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka bartamaha magaalada Xumus ka dib markii ay qabsadeen Xama iyo Xalab.
Muqaawamada ay hogaamiso kooxda Islaamiga ah ee Xayat Tahrir al-Sham (HTS) ayaa ku sii siqaya magaalada Xumus ee bartamaha dalka Suuriya, sida ay sheegtay kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay UK.
Kooxdan ayaa sheegtay in kooxaha kacdoonka wada ay hadda 5 km u jiraan duleedka magaalada muhiimka ah ee Xumus, taasoo isku xirta caasimadda Dimishiq iyo waqooyiga dalka.
Kumannaan qof ayaa u qaxay gobollada ay dowladdu gacanta ku hayso si ay uga baxsadaan dagaalada.
In ay fallaagadu u jiheystaan dhanka Koonfureed ee Dimiqshiq ayaa timid ka dib markii ay la wareegeen waqooyiga iyo magaalooyinka Xalab iyo Xama oo waqooyiga iyo bartamaha ku yaalla, taasi oo dharbaaxo ba’an ku ah awoodda madaxweyne Bashaar Assad.
Hogaamiyaha HTS Abu Mohammed al-Golani ayaa sheegay in u jeedka duulaanka uu yahay in la afgambiyo Assad.
“Marka aan ka hadlayno ujeedooyinka, yoolka kacaanku wuxuu ahaanayaa in la afgambiyo nidaamkan, waa xaqeena inaan isticmaalno wax walba oo la heli karo si aan u gaarno hadafkaas,” Golani ayaa u sheegay telefishanka CNN ee Maraykanka.
Suuriya waxa ay gashay dagaal sokeeye 2012 ka dib markii ay dawlad si naxariis darro ah u ula dhaqantey mudaaharaadyo nabadeed oo dimoqraadiyad doon ah.
Guul-darooyinka qabsadey ciidamada Bashar al-Assad ayaa loo tiirinayaa dhibaatada gaartey Xisbullaah oo hadda taag daran, Iran oo aan sidii hore ahayn iyo Ruushka oo dagaallo ku furan yihiin, waana saddexda awoodood oo xukunka ku hayey Bashar al-Asad tan iyo markii kacdoonku bilowdey 2012.
HORSEED MEDIA