Dhowr qof ayaa ku dhintay, oo uu ku jiro hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada amniga, iyo tobanaan qof oo ku dhaawacmay dibadbaxyadii ka dhacay magaalooyinka Suuriya ee Latakia, Tartous iyo Jableh.

Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tartous iyo Latakia iyagoo dalbanaya in la sii daayo maxaabiista ciidamadii madaxweynihii la afgambiyay ee Bashar al-Assad, isla markaana dib loogu soo celiyo shaqadooda.
Rasaas ayaa lala beegsaday ciidamada amniga ee ku sugan isgoyska Azhari ee Latakia, laba askari ayaana lagu dhaawacay magaalada Tartous kadib markii dad aan la garanayn ay bam gacmeed ku tuureen saldhigga booliiska ee Al-Anaza ee xaafada Banias.
Mas’uuliyiinta Suuriya ma xaqiijin inay rasaas ku fureen dibadbaxayaasha, laakiin waxay sheegeen inay “xakameeyeen xaaladda”.
Mudaharaadyadu waxay ka bilaabmeen Latakia iyo Tartous oo ah magaalooyin xeebeed oo ay ku nool yihiin dadka reer Calawida ee uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore Bashar al Asad.



