Iskudhacyada ka dhacay Dimishiq todobaadkan oo dhexmaray xubno ka tirsan Qawmiyadda Druze ee Suuriya iyo rag hubaysan oo lala xidhiidhinayo masuuliyiinta qaranka ayaa muujinaya sida ay usii xoogasaneyso xiisaddan cabsida ku beertay kooxda laga tirada badan yahay oo lagu eedeenayo inay isbahaysi cusub la sameysteen Israa’iil.

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay iska horimaadyo diimeed oo cusub oo ka dhacay meel u dhow Dimishiq Arbacadii, warbaahinta dowladda ayaa sheegay, maalin labaad oo isku xigta oo rabshado ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka laga tirada badan yahay ee Druze-ka Suuriya.
Iska horimaadka ayaa ka dhacay Sahnaya iyo Jaramana, oo ah labada xaafadood ee ka tirsan caasimadda oo ay ku badan yihiin bulshadan oo lagu qiyaaso 3% boqolkiiba shacabka Suuriya.
Sida laga soo xigtay shaqaalaha samatabbixinta iyo ilaha ammaanka, xubno hubaysan oo ka tirsan Sunnida ah aqlabiyadda lagu kiciyay cod la duubay oo loo aanaynayo nin Druze ah oo si muuqata u habaaraya Nebi Muxamed SCW taasoo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Hogaamiyayaasha Druze ayaa Talaadadii cambaareeyay rabshadaha ka dhacay Jaramana waxayna sheegeen in fariinta ay tahay mid la sameeyay.
Iyadoo dalka caqiidada kala duwani uu dib u dhisamayo kadib markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii hore ee kali taliska ahaa Bashaar al-Assad, hogaanka Suuriya ayaa balan qaaday in dadka laga tirada badan yahay la ilaalin doono.
Wakiilada dowladda iyo kuwa Druze-ka ayaa Talaadadii isku raacay in lala xisaabtamo kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii Jaramana.
Laakiin waxaa sii kordheysa rabshadaha ka dhanka ah dadkan laga tirada badan yahay ee Suuriya iyadoo su’aal galiyay awoodda dowladda ay u leedahay inay xakameyn karto Islaamiyiinta xagjirka ee kamid ah isbahaysigeeda dowlada.
Isbahaysiga Israel?
Xaafadda Jaramana waxaa sidan oo kale uga dhacay isku dhacyo bishii Maarso, kadib markii Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz ku hanjabeen faragelin militari haddii mas’uuliyiinta cusub ee Suuriya ay sameeyaan falal rabshado ah oo ka dhan ah Qawmiyadda Druze.
Kadib iska-horimaadkii shalay, Israa’iil ayaa maanta oo Arbaca ah duqeyn la beegsatay Suuriya, iyadoo weerarkan ugu yeertay “digniin” ka dhan ah weerarrada lagu hayo dadka laga tirada badan yahay ee Druze.



