Suuriya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ka geysatay meel u dhow madaxtooyada

2 May, 2025

Suuriya ayaa Jimcihii dhalleeceysay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow madaxtooyada Dimishiq kadib markii Israel ay ka digtay inay tallaabo qaadi doonto si ay uga difaacdo dadka laga tirada badan yahay ee Druze rabshadaha diimeed ee socda.

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee jimcaha duqeeyay meel u dhow madaxtooyada Suuriya ka dib markii ay uga digeen mas’uuliyiinta Suuriya in aysan u dhaqaaqin dhanka tuulooyinka ay ku nool yihiin xubno ka tirsan koox diimeedka laga tirada badan yahay ee koonfurta Suuriya.

Duqeyntan ayaa timid kadib dagaalo maalmo socday oo u dhaxeeyay rag hubaysan oo taageersan dowlada Siiriya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda laga tirada badan yahay ee Druze meel u dhaw caasimada Dimishiq. Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof.

Madaxtooyada Suuriya ayaa cambaaraysay weerarka cirka ee Israa’iil, waxayna ku tilmaantay “khatar ka dhan ah hay’adaha dawladda iyo madax-bannaanida dawladda”. Waxa ay beesha caalamka ugu baaqday in ay garab istaagaan Suuriya, iyada oo sheegtay in weerarrada noocan oo kale ah “ay bartilmaameedsanayaan amniga qaranka Suuriya iyo midnimada dadka Suuriya”.

Weerarkii Jimcihii ayaa ahaa kii labaad oo Israa’iil ay ka geysato Suuriya toddobaadkan, waxaana weerarka lagu qaaday goob ku dhow madaxtooyada Suuriya, waxayna u muuqataa digniin culus oo loo jeedinayo hoggaanka cusub ee Suuriya oo u badan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay hogaamiso Hayat Taxriir al-Sham.

Khamiistii, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Druze ee Suuriya, Sheekh Xikmat Al-Hijri ayaa si ba’an ugu dhaleeceeyay dowladda Suuriya waxa uu ugu yeeray “weerar xasuuq aan sabab lahayn” oo lagu hayo bulshada laga tirada badan yahay.

Gelinkii hore ee jimcaha, hogaanka diinta ee Druze ayaa sheegay in bulshada ay tahay qayb ka mid ah Suuriya oo ay diidan yihiin in ay ka go’aan dalka.

“Waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay dal ay ku jiraan dhammaan dadka Suuriyaanka ah, oo ah qaran aan colaadda ka jirin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xaafadda Jaramana ee duleedka Dimishiq, oo uu dagaalku ka dhacay horraantii toddobaadkan, ayaa ciidamada ammaanka la soo dhoobay gudaha deegaankaas oo ay ku sugan yihiin dabley Druze ah oo deegaanka ah. Sida heshiiska qeyb ka ah, ciidamada ka socda wasaaradda gaashaandhigga ayaa la geyn doonaa agagaarka Jaramana iyagoo aan gudaha u gelin.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen meel ku dhow aagga Qasriga Madaxweyne Ahmad al-Sharaa ee magaalada Dimishiq. Maysan bixin tafaasiil intaas ka badan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Israel Katz ayaa sheegay in duqeyntu ay “farriin cad” u tahay hoggaamiyeyaasha Suuriya.

“Ma ogolaan doono in ciidamada la geeyo koonfurta Dimishiq ama wax kasta oo khatar ku ah bulshada Druze,” ayaa lagu yiri qoraal ay shaaciyeen.