4 May, 2025
Suuriya waxaa soo food saartay koronto yaraan ba’an.

Suuriya ayaa lagu wadaa inay saxiixdo heshiis koronto uga soo jiidan doonto Turkiga iyada oo la sii marinayo xadka korontaas oo dhan 400 kilovolt sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suuriya.
Suuriya ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa samaynta dhuumaha gaaska dabiiciga ah ee isku xidha magaalada xuduudka Turkiga ee Kilis iyo waqooyiga Suuriya ee Xalab, ayuu yidhi wasiirka tamarta Suuriya, Maxamed Al-Bashiir.
Horseed Media



