Suuriya: Qarax ka dhacay caasimadda Dimishiq

19 May, 2026

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow dhismaha Wasaaradda Difaaca ee degmada Bab Sharqi ee caasimadda.

Qarax gaari oo ka dhacay meel u dhow dhismaha Wasaaradda Difaaca Suuriya ee Dimishiq ayaa sababay dhimashada ugu yaraan hal askari iyo dhaawaca in ka badan 20 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

War-saxaafadeed ay baahisay warbaahinta dawladdu Talaadadii, wasaaraddu waxay ku sheegtay in xubno ka tirsan cutub ciidan ay heleen walxo qarxa oo la farsameeyay oo lagu aasay meel u dhow goobta oo ku taal degmada Bab Sharqi ee caasimadda. Markii ay u dhaqaaqeen inay dejiyaan qaraxa, gaariga bamka saarnaa uu ku qarxay isla aaggaas, iyada oo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sannadkii lasoo dhaafay, qarax gaari ayaa ugu yaraan 20 qof ku dilay duleedka Manbij ee waqooyiga Suuriya, halka qof ismiidaamiyay uu weerar ka geystay gudaha kaniisad ku taal Dimishiq, taasoo dishay ugu yaraan 25 qof, tobanaan kalena ku dhaawacday.

Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay weeraro kuwan lamid ah oo ka dhacay caasimadda Suuriya.