Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo ay wehliyeen saxafiyiin heer caalami ah oo Kormeer ku tagay buuraha Calmiskaad.

Taliyaha guutada 1.aad ee Kobra G/dhaxe Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale) ayaa ka mid ahaa saraakiisha ku soo dhaweeyay furimaha hore ee dagaalka Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo ay wehliyeen saxafiyiin heer caalami ah oo Kormeer ku tagay talisyadii dhowaan laga xoreeyey kooxda argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad.


Taliye Gaagaale waa saraalka ugu Da’da yar saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada difaaca Puntland ee ku hawlan Ciribtirka Argagixisada ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Hawlgalka balaaran ee ciidamada Puntland kula dagaalamayaan kooxda Daacish oo bilowday bishii Diseember ayey guulo waaweyn ka gaareen ciidamada oo la wareegay intii badneyd goobihii fariisimaha iyo talisyadii Daacish ee dhulka buuraleyda ah.




