Booliska dalka Sweden ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ruux ay ku dhinteen toogasho ka dhacday iskuul dadka waaweyn ay wax ku baranayeen oo ku yaala dalka Sweden.

Weerarku wuxuu ka dhacay xarun waxbarasho oo dadka waaweyn ah oo ku taal magaalada Orebro maanta oo Talaada ah, iyadoo booliisku ay markii hore sheegeen in ugu yaraan shan qof la toogtay.
Saacado ka dib, booliska ayaa sheegay in ilaa 10 qof lagu dilay weerarka ka dhacay iskuulka Risbergska. Dhibanayaasha ayaan ilaa hadda la aqoonsan.
Booliisku waxay sheegeen in qofka weerarka geystay la rumeysan yahay inuu kamid ahaa dadka la dilay. Waxa ay sheegeen in aan la fileyn weeraro kale, iyaga oo intaa ku daray in aysan hadda jirin wax xiriir ah oo looga shakisan yahay inuu ahaa weerar “argagixiso”.
Xaruntu waxay 200km dhanka galbeed ka xigtaa Stockholm, duleedka magaalada Orebro.