Switzerland: Dab khasaare geystay oo ka kacay goob dalxiis xilli lagu jiray xuska Sannadka Cusub

1 January, 2026

Ciidamada gurmadka degdegga ah ayaa baaraya dab xooggan oo ka kacay baar dad badan ku sugnaa oo ku yaal goobta loo dalxiis tago ee buuraha Alpine ee Crans-Montana xafladii dabaaldegyada sanadka cusub.

Dhowr iyo toban qof ayaa ku dhintay qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qarax uu ka dhacay goobta loo dalxiis tago ee Alpine ee Crans-Montana, sida ay sheegeen booliiska Switzerland aroornimadii hore ee Khamiista.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in in ka badan 100 qof ay ku jireen baarka xilligii uu shilku dhacayay. Booliska, dab-damiska iyo dhowr diyaaradood oo helikobtar ah ayaa goobta ku sugnaa ka dib qaraxa. Sababta qaraxa ayaa markii hore la sheegay inay tahay “mid aan la garanayn.”

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dabku uu u badan yahay inuu ka kacay sii deynta gaasaska oo markaa si xoog leh u qabsaday goobtaasi xaflada ka dhaceysay.

“Waxay isu beddeshay xafladii arrin xun,” ayuu yiri Mathias Renard, madaxa dowladda ee gobolka.

Renard wuxuu sheegay in tirada dhaawaca ay aad u badan tahay oo qaybta, isla markaana uu socdo daryeelka degdegga ah iyo qalliinka si loo dabiibo dadka dhaawaca soo gaaray.