Syria: Dowlada oo 4 maalmood u qabatay xoogaga Kurdiyiinta SDF

20 January, 2026

Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday xabad joojin afar maalmood ah oo ay la gashay Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya (SDF) ee ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan, iyadoo inta lagu guda jiro qorshaha lagu mideynayo gobolka Kurdida maamusho ee Hasakah iyo dowladda.

Dowladdu waxay sheegtay in ciidan aysan geli doonin magaalooyinka waaweyn haddii heshiis la gaaro.

Ergayga Mareykanka u qaabilsan Suuriya Tom Barrack ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay ka taageerayso la dagaalanka ISIS, kaalitaasi oo ay horey u buuxin jireen xoogaga Kurdida ee SDF oo horey kooxda Daacish uga saaray dhulka waqooyiga iyo bariga dalka Suuriya.

Kurdida ayaa u aragta siyaasada cusub ee Mareykanka ay dhabar jabisay isbaheysigii ay lahaayeen, halka Mareykanka uu ku boorriyay Kurdiyiinta Suuriya inay ogolaadaan is-dhexgal buuxa si ay u ilaaliyaan xuquuqdooda.

Dhinaca kale, ciidamada dowlada Suuriya ayaa lagu eedeenayaa in magaalooyinkii ay kala wareegeen xoogaga Kurdida ee Suuriya gaar ahaan nawaaxiga Raqqa, ay xabsiyada halkaasi ku yaal kasii daayeen in badan oo kamid ah dagaalyahanadii Daacish ee halkaasi lagu hayey.

Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa iyo Hogaamiyaha SDF Mazloum Abdi.

Qorshaha cusub ee Suuriya ayaa la rumeysan yahay in xiligan ay hagayaan isbaheysiga cusub ee Mareykanka, Turkida iyo Sacuudiga oo ku wajahan danahooda khayraadka dalkaasi ee batroolka iyo mashaariicda Mustaqbalka ee dhuumaha shidaalka iyo gaaska ee la doonayo inay wadankaasi siimaraan.

Turkida oo si weyn u taageerta xukuumada Dimishiq ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso duulaanka ku wajahan Xoogaga Kurdida Suuriya oo ay u arkaan kuwo khatar ku ah amnigooda.

Xukuumada cusub ee Suuriya Axmed Al Sharaa ayaa dhanka kale heshiis la galay Israel oo hada gacanta ku heysa koonfurta dalkaasi Suuriya.