Sanadkan 2025 ayaa la sheegay inuu saddex jibaar koror ku yimid tirada muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Yurub…

Sanadkan 2025 ayaa la sheegay inuu saddex jibaar koror ku yimid tirada muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Yurub u gudbay, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda DTM (Displacement Tracking Matrix). Inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto, waxaa Yurub gaaray 5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo badankoodu u soo maray badda Mediterranean-ka.
Warbixinta DTM ayaa tilmaantay in tiradan ay saddex laab ka badan tahay tii sanadkii hore ee 2024, taasoo muujinaysa in socdaalka tahriibka uu sare u kacay si aad ah sanadkan. Tirada ugu badan ee Soomaalida la arkay waxay u gudbeen Talyaaniga iyo Isbaanish, halka qaar kalena ay gaareen Giriigga iyo Qubrus.
Soomaalida ayaa ka mid noqotay dalalka AFrikaanka ee dadkii ugu badnaa ka soo hayaamaya. Hay’adda DTM ayaa sheegtay in xogtu ku salaysan tahay sahanno laga sameeyay Spain iyo Talyaaniga.
Sida lagu sheegay warbixinta, xogta waddada Bari ee Mediterranean-ka laguma darin warbixintan maadaama aan sahanno rasmi ah halkaas laga samayn, balse waxaa lagu darayaa marka cilmi-baarista ay dhammaato.
Khabiirrada socdaalka ayaa sheegay in sababaha keenay kororka ay ka mid yihiin amni darrada Soomaaliya, shaqo la’aanta iyo rajo xumada dhalinyarada, iyadoo qoysas badani ay sheegeen in ay Yurub u arkaan meel ay nolol cusub ka bilaabi karaan inkastoo safarku khatar ku yahay noloshooda.



