Talibaanka Afgaanistaan oo sii daysay lamaane British ah kadib toddobo bilood oo xabsi ah

Maamulka Taliban ayaa Jimcihii sii daayey lamaane British ah oo ku xirnaa Afgaanistaan ​​in ka badan…

19 September, 2025
Qatar ayaa door muhiim ah ka ciyaartay sidii loo sii deyn lahaa lamaanahaasi

Maamulka Taliban ayaa Jimcihii sii daayey lamaane British ah oo ku xirnaa Afgaanistaan ​​in ka badan 7 bilood, kadib markii lagu eedeeyay eedeymo aan la shaacin, sida uu sheegay sarkaal.

Kiiska Peter iyo Barbie Reynolds, oo da’doodu tahay 80 iyo 75, waxay hoosta ka xariiqaysaa walaaca reer galbeedka ee ku aaddan ficillada Talibanka tan iyo markii ay afgembiyeen dowladdii ay taageertay NATO afar sano ka hor.

Lamaanahan ayaa ku noolaa Afgaanistaan ​​muddo 18 sano ah, waxaana ay xarun waxbarasho ka maamulayeen gobolka Bamiyan ee bartamaha dalkaas.

Lamaanahan waayeelka ah ayaa lagu wareejiyay wakiilka gaarka ah ee Britain u qaabilsan Afgaanistaan, Richard Lindsay.

Talaabadan ay qaadeen Talibanka ayaa loo arkaa inay qeyb ka tahay dadaal balaaran oo lagu doonayo in maamulkaasi uu ku helo aqoonsi caalami ah, sanado kadib markii ay dib ulla wareegeen awooda dalkaasi 2021-ka.