Taliska Ciidanka Asluubta Puntland ayaa maanta hortagay Baarlamaanka Puntland, iyagoo ka warbixiyey xaaladda adag ee ka…

Taliska Ciidanka Asluubta Puntland ayaa maanta hortagay Baarlamaanka Puntland, iyagoo ka warbixiyey xaaladda adag ee ka jirta xabsiyada maamul goboleedka. Taliyaha ciidanka Jen. Cabdiqaadir Cali Faarax ayaa sheegay in xabsiyada Puntland ay ku jiraan in ka badan kun maxbuus oo la daryeelo maalin kasta balse quudinta qof walba maalintii lagu bixiyo kaliya $1.27.
Taliyaha ayaa xusay in lacagtaas ay aad u yar tahay marka loo eego baahiyaha aasaasiga ah ee maxaabiista, sida caafimaadka, nafaqada iyo nadaafadda. Wuxuu Baarlamaanka ka codsaday in ay si dhab ah uga doodaan arrintan, isla markaana ay kordhiyaan miisaaniyadda lagu daryeelo dadka xiran.
Intaa waxaa uu raaciyay in ciidamada asluubta ay ku howlan yihiin ilaalinta ammaanka xabsiyada iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista, balse caqabadaha dhaqaale ay wiiqayaan howlgalkaas.
Taliska Asluubta ayaa sidoo kale soo jeediyay in la helo taageero farsamo iyo mid maaliyadeed oo ka timaadda hay’adaha caalamiga ah si loo hagaajiyo xaaladda nololeed ee maxaabiista.



