Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), ayaa maanta ka qeyb galay kulamo…

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), ayaa maanta ka qeyb galay kulamo ka dhacay degmada Jirriiban ee gobolka Mudug oo looga hadlayey dilkii taliyihii saldhigga booliska degmadaas, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.
Kulamada waxaa ka qeyb galay maamulka Gobolka Mudug, Taliska Booliska Degmada Jariiban, ehellada marxuumka, ehellada eedeysanaha loo haysto dilka, qaar ka mid ah odayaasha nabadda gobolka iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Puntland, iyadoo kulanka diiradda lagu saarayey sidii loo ilaalin lahaa amniga iyo xasilloonida degmada, isla markaana loo xaqiijin lahaa in kiiska loo maro waddo sharci ah.
Mas’uuliyiinta iyo dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ayaa isku raacay in maanta la aaso marxuumka, iyadoo dhammaan dhinacyadu carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, ka fogaanshaha wax kasta oo keeni kara xiisad iyo xoojinta wadajirka bulshada.
Sidoo kale, waxaa la isku raacay in eedeysanaha loo haysto dilka, oo hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliska, si deg-deg ah loo horkeeno hay’adaha garsoorka, si caddaaladda loogu maro sharciga dalka loogana fogaado tallaabo kasta oo ka baxsan nidaamka sharciga.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), ayaa xaqiijiyay in baaritaanka kiiska uu si hufan u socdo, isla markaana eedeysanaha lala tiigsan doono caddaaladda marka la soo gabagabeeyo dhammaan habraacyada sharciga.




