Dowladda Imaaraadka oo Puntland ku wareejisey xarumo dowladda loo dhisay.

1 September, 2025

Taliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland, S/ Guuto. Caydiid Axmed Nuur, ayaa maanta si rasmi…

Taliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland, S/ Guuto. Caydiid Axmed Nuur, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay dukumentiyada sagaal (9) dhisme oo cusub oo loogu talagalay Ciidanka Booliska Puntland, kuwaas oo ay maalgelisay Dowladda Imaaraadka Carabta, isla markaana uu hirgeliyay Taliska Booliska Puntland.

Dhismayaasha cusub ayaa kala ah:

1. Taliska Guud ee Booliska Puntland

2. Saldhigga Magaalada Garowe

3..Taliska Xerada Xergoble

4. Taliska Qaybta Bari

5. Taliska Qaybta Karkaar

6. Taliska Qaybta Mudug

7. Taliska Qaybta Sanaag

8. Saldhigga Dhahar

9. Saldhigga Taraafikada Boosaaso

Mashruucan oo la bilaabay November 20, 2024, ayaa si rasmi ah ku soo gaba-gaboobay August 2025, waxaana lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kaabayaasha ciidanka booliska ee gobollada kala duwan.

Munaasabadda lagu wareejinayay dhismayaasha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo saraakiil sare oo booliska ah.

Dhismayaashan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Puntland ku doonayso horumarinta amniga iyo casriyeynta adeegyada booliska dalka, taas oo gacan ka geysan doonta sugidda xasilloonida, ilaalinta muwaadiniinta iyo kobcinta kalsoonida shacabka.