Taliska Ciidanka Danab ee uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jamaac Takar ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku…

Taliska Ciidanka Danab ee uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jamaac Takar ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in xukuumadda Puntland ay ka joojisey dhammaan xuquuqdii ay ku la haayeen, iyadoo loogu daray hanjabaadyo is daba joog ah.
Ciidanka Danab ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan ciidamada cusub ee lagu wareejiyay ammaanka magaalada Garowe, maadaama ay yihiin ciidamo dhallinyaro aqoonyahano ah oo wax ka baddeli kara amniga caasimadda.
“Waxaan soo dhawaynaynaa dhalinyarada booliska waana la shaqayn doonaa,taliska hada jooga [Deni]wuxuu joojiyay dhamaan xuquuqdi ciidanka Danab”,Taliska Danab oo tageeray in Garowe amnigeeda lagu wareejiyo booliska cusub,dowladuna ka jartay mushaarkii.




