Taliska gobolka Mudug oo digniin u diray ciidamada taageersan DFS.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bile Farda-fuul, ayaa si kulul uga hadlay arrimaha…

21 June, 2026

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bile Farda-fuul, ayaa si kulul uga hadlay arrimaha amniga magaalada Gaalkacyo, isaga oo uga digay kooxaha uu sheegay inay magaca Dowladda Federaalka ku adeegsanayaan falal amniga lid ku ah.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka taageersan Dowladda Federaalka ee si nabad ah bulshada ula nool aysan wax dhibaato ah kala kulmi doonin ciidamada amniga, balse cid kasta oo hub wata ama isku dayda inay cabsi geliso shacabka aan loo dulqaadan doonin, wuxuuna xusay in maamulka iyo ciidamada amniga ay masuul ka yihiin sugidda amniga magaalada, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubta nidaamka jira.

“Qolyaha Federalka xoogaaga ka qaata hadday dadkooda ku dhex jirayaan anagu cayrsan mayno laakiin ninkii cid istusaya oo bulshada argagax gelinaya nagama dul-boodi karo waana is arkaynaa”, Latiyaha qaybta booliska gobolka Mudug Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bile Farda-fuul.

Sidoo kale, G/Sare Maxamuud Bile ayaa ku eedeeyey shaqsiyaad uu sheegay inay ku fashilmeen xilalkii loo igmaday inay isku dayayaan inay qalalaase ka abuuraan deegaanka, isagoo tilmaamay in aan loo oggolaan doonin falal khalkhal gelin kara xasilloonida gobolka.

Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyey in magaalada aysan ka shaqayn karin kooxo hubaysan oo aan hoos imanayn hay’adaha amniga, isagoo sheegay in cid kasta oo dooneysa inay u shaqeyso Dowladda Federaalka ay si sharci ah uga howl geli karto meelaha ku habboon, balse aan la aqbali doonin in hub lagu dhex qaato magaalada ama lagu cabsi geliyo shacabka. Wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa in ciidamada amniga ay sii wadi doonaan ilaalinta amniga iyo kala dambeynta gobolka Mudug.

“Rag shaqooyinkii loo igmaday ku guuldarraystay ayaa inta dad soo gacan mariyeen raba inay deegaankeena dhibaateeyaan, ciddii rabta inay Xasan Sheekh u shaqaysato ha aaddo ninkii ciidan Soomaaliyeed gelaya ha aado laakiin magaaladaan anaga ayaa mandate u haysana intaan xushmaynay waxay gaartey in hub magaalada lala soo galo”, Ayuu yiri markale taliye Farda-fuul.