Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo goor dhaweyd soo saaray bayaan rasmi ah ayaa xaqiijiyay in…

Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo goor dhaweyd soo saaray bayaan rasmi ah ayaa xaqiijiyay in uu Arbacadii shalay Hawlgal labaad oo duqeymo ah ka fuliyay Calmiskaad.
Warkan kooban ee ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaasi lagu bartilmaameedsaday kooxda Daac1sh islamarkaana uu shalay oo taariikhdu ahayd 6 May ka dhacay meel qiyaastii 75km u jirta magaalada Boosaaso.
HOOS KA AKHRISO
Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqayn cirka ah ku bartilmaameedsaday Daacish-Soomaaliya 6-dii Maajo, 2026.
Duqeynta cirka ayaa ka dhacday agagaarka Buuraha Golis, oo qiyaastii 75 km koonfur-bari ka xigta Boosaaso.
AFRICOM, oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wadaya inay qaadaan tallaabo lagu wiiqayo awoodda Daacish-Soomaaliya ee ay ku hanjabeyso Dalka Mareykanka, ciidamadayada, iyo muwaadiniinteena dibadda.
Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo hantida lama shaacin doono si loo hubiyo amniga hawlgallada socda.



