Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilka la wareegey.

Taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf ayaa maanta xilka ku…

23 April, 2026

Taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf ayaa maanta xilka ku wareejiyey taliyaha cusub ee qaybta gobolka G/Sare Fu’aad Maxamuud Xuseen oo uu dhawaan Madaxweyne Deni soo magacaabay.

Saraakiil katirsan ciidanka Booliska dowladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Nugaal ayaa ka qaybgalay xil-wareejinta oo lagu soo bandhigay shaqooyinka horyaalla laamaha ammaanka gobolka Nugaal.

Taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf, ayaa sheegay inuu maanta xilka wareejiyey isagoo aysan jirin cid tabasho ka qabta uusanna ka tabcan wax hanti ah, wuxuuna balanqaaday inuu la shaqayn doono taliska cusub ee gobolka Nugaal.

Dhankiisa, Taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Nugaal G/Sare Fu’aad Maxamuud Xuseen ayaa ka codsaday qaybaha bulshada inay ka gacan siiyaan adkaynta amniga gobolka Nugaal.