Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid ayaa ka badbaadey shil gaari oo…

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid ayaa ka badbaadey shil gaari oo uu habeenimadii xalay ku galay jidka isku xira degmooyinka Garoowe iyo Dangorayo ee gobolka Nugaal.
Shilkaan oo taliyuhu ku galay gaari nooca xaajiyadaha Booliska ah kana dhacay afaafta hore ee tuulada Sin-ujiif ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 askari oo katirsanaa ilaalada taliyaha.
Dhaawaca askarta ayaa isla xalay la soo gaarsiiyey cisbitalka guud ee Magaalada Garoowe oo lagu dabiibayo, waxaana saraakiisha caafimaadku soo werinaysaa in xaaladdoodu ka soo raynayso.
Taliyaha oo dhawaan xilka la wareegey ayaa xilligii uu shilka la kulmay ku sii jeedey Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, inkastoo aysan laamaha ammaanku weli si rasmi ah uga hadlin dhacdada.



