Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo…

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo hub sidata oo aan ka tirsanayn hay’adaha amniga, isagoo ku adkeeyay in aan hadda kaddib laga dulqaadan doonin fal kasta oo khatar ku ah nabadda iyo dowladnimada Puntland.
Muumin ayaa tilmaamay in ay go’aan adag ka qaateen sugidda amniga iyo ilaalinta xasiloonida, isla markaana la ciqaabi doono cid kasta oo hubaysan oo xadkeeda soo dhaaftay ama amniga wax u dhimaysa.
Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada Booliska Puntland ay u diyaarsan yihiin difaaca nidaamka iyo dowladnimada, maadaama ay yihiin ciidamo naf u huray amniga iyo kala dambeynta bulshada, isla markaana aan la oggolaan doonin in la carqaladeeyo deegaannada maamulka.
Wuxuu sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kooxo hubeysan oo isku dayaya inay khal-khal geliyaan Puntland, balse ciidamadii dhawaan lagu tababaray Carmo ay diyaar u yihiin in ay si adag uga hortagaan falalkaas amni-darrada ah.




