Taliyaha Booliska Somalia oo booqday xarunta hay’adda Maaraynta Masiibooyinka.

25 May, 2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta dhexe…

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka , waxaana soo dhaweeyey Gudoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Howlwadeenada xaruntaasi.

Kullan gaar ah oo Taliyaha iyo Gudoomiyuhu yeesheen ayaa looga hadlay Doorka Ciidanka uga aadan sugidda Amaanka goobaha, deeganada iyo Degmooyinka la gaarsiiyo deeqaha iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac .