Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UNTIMIS oo ka wada hadlay taageerada dib-u-dhiska ciidanka

22 May, 2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay…

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa kulankooda waxay diiradda ku saareen amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen sida ay beesha caalamku ugu gacan siin karto booliska taageerada dib-u-dhiska ciidanka iyo dowladnimada.

Horseed Media