Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Marshal-ka Bakistaan Asim Munir uu booqan doono Iiraan isagoo ah dhexdhexaadiye nabadeed. Tehran waxay sheegtay inay dib u eegis ku sameyneyso soo jeedintii ugu dambeysay ee Washington ee lagu soo afjarayo dagaalka.

Taliyaha ciidamada Pakistan Field Marshal Asim Munir ayaa booqan doona Tehran si uu u dhexdhexaadiyo Iiraan iyo Mareykanka.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dalka Iiran ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan oo ka shaqeenayey hawlaha dhex dhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan.
Tehran waxay sheegtay inay dib u eegis ku sameyneyso mowqifkii ugu dambeeyay ee nabadda ee Washington kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu sugi karo dhowr maalmood si uu “u helo jawaabaha saxda ah”.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay inaysan “aqbali doonin” in Iiraan ay hirgeliso nidaam canshuur bixin ah oo loogu talagalay isticmaalka marin biyoodka Hormuz.
Wuxuu sii raaciyay in nidaamka noocaas ahi uu noqon doono “gebi ahaanba sharci darro” iyo xitaa mid “khatar ku ah adduunka.”
Kahor duulaankii Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan ku qaadeen bishii Febraayo, qiyaastii 20% saliidda adduunka iyo gaaskeeda badankiis waxay si xor ah u soo mari jireen marin biyoodka Hormuz oo hada xiran.
Fatih Birol, madaxa Hay’adda Tamarta Caalamiga ah, ayaa ka digay in suuqa saliidda adduunka uu geli karo “gabaabsi halis ah” xagaagan haddii aan la helin heshiis lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.




