9 May, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle.

Ujeedka Safarka Taliyaha ayuu Taliska ciidanka sheegay inuu daaran yahay u kuur-gelidda xaaladaha amni ee deegaanada maamulkaas iyo dhiiragalinta geesiyaasha Xoogga Dalka ee isku furay wadada dheer ee xariirisa Muqdisho illaa Jowhar.
Ciidamada dowlada ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada gobalka Shabeeladda dhexe muddooyinkii lasoo dhaafay, xili ay sidoo kale jirto cabsi laga qabo xiisadaha la xariira doorashooyinka dalka iyo maleeshiyaadka ku sugan gobalkaasi.



