Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Gaaray Awdheegle ka dib markii laga qabsaday Alshabaab

11 October, 2025

Kadib markii laga saaray kooxda Alshabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta halkaas gaaray…

Kadib markii laga saaray kooxda Alshabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta halkaas gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Sahal Cabdullaahi Cumar. Socdaalka Taliyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo adkeynta guulihii ay ciidamada ku gaareen furimaha dagaalka.

Wafdiga Taliyaha waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed, iyo saraakiil ka tirsan howlgalka AUSSOM oo la socda qorshaha amniga ee ka socda gobolka. Mas’uuliyiintan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Awdheegle.

Intii uu socday kormeerka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa booqday goobihii laga saaray Alshabaab isagoo warbixino ku saabsan xaaladda amniga ka dhageystay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada ku sugan jiida hore. Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidamada sida geesinimada leh ee ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka.

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka, iyagoo kala hadlay kaalinta shacabka ee sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyay Al Shabaab. Odayaasha ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan ciidamada si looga hortago soo laabashada kooxda Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa la dardaarmay ciidamada ku sugan jiida hore, isaga oo ku booriyay inay muujiyaan feejignaan iyo u diyaar garow weerarada uga imaan kara kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale faray in ay si joogto ah u sugaan nabadgalyada deegaannada ay gacanta ku dhigeen, ayna la shaqeeyaan shacabka si loo adkeeyo guulaha amniga ee la gaaray.