Taliyaha Ciidanka Israa’iil Herzi Halevy ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilkiisa, kadib iscasilaado is daba joog ah ee hogaanka ciidanka Israa’iil oo la xariira fashilka dagaalka Gaza.

Iscasilaada Halevy waxay dhaqan gali doontaa 6-da Maarso.
Warqada iscasilaadiisa, Halevy waxa uu ku yidhi, “Ciidanka Israa’iil waxa ay ku guuldaraysteen hawshii ay u hayeen in ay difaacaan Israa’iil.”
Taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxa na soo gaadhay khasaare ba’an, dagaalkuna waxa uu dhaawac iyo nabaro ka soo gaadhay qaar badan oo kamid ah askartayada iyo qoysaskooda”.
Halevy ayaa intaa ku daray, “Waqtiga u haray (hoggaamintiisa ciidanka), waxaan dhameystiri doonaa baaritaannada, waxaanan ilaalin doonaa hababka ciidamada Israa’iil ay u wajahayaan caqabadaha ammaanka.”
Tan waxaa loola jeedaa baaritaanno gudaha ah oo ay sameeyeen ciidamada Israa’iil ee ku saabsan guul-darradii Oktoobar 7, 2023, kuwaas oo la qorsheeyay in la soo afjaro dhammaadka Janaayo.
Oktoobar 7, 2023, kooxaha falastiiniyiinta ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday deegaano ku dhow marinka Gaza, taasoo keentay in la laayo askar iyo dad Israa’iiliyiin ah oo qaraakood afduub loogu kaxeystay marinka marinka Gaza.